Wasiir Beyle: “Haddii Soomaaliya January 2022 Madaxweyne Yeelan Weydo Waxaa Suurtagal Ah Inay Istaagaan Mashaariicdu….”

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdirahman Ducaale Beyle oo maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa sheegay in hadii aanay Soomaaliya January 2022 ka hor an la soo gababeynin doorashada madaxtinimo ee dalka ay suurtagal tahay inay istaagaan dhamaan mashaariicda yar ee hadda ka socda dalka.

Wasiirka Beyle ayaa dhanka kale sheegay in Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan tahay sanadkii hore marka la eego kororka dakhliga gudaha ee dalka.  Isagoo intaas sii raaciyey in odoroska misaaniyadda 2020 aanay ku jirin midda dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir Beyle ayaa kulanka ka sheegay in deyntii laga cafiyey Sooomaaliya awgeed ay suurtagalisay in loo fududeeyo mashariic dhanka horumarinta ah in loo ogolaado Soomaaliya, kuwaas oo u xayiran inay dalka ka hirgasho doorasho dhameystiran oo hanaan la isla ogolyahay ku dhamaata.

Hadalkan uu maanta wasiir Beyle ka jeediyay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda ayaa ku soo beegmaya xilli uu dib u dhac weyn ku yimid guud ahaan hannaanka bilaabashada doorashoyiinka heer federaal ee dalka, iyadoo wali aanay bilaabanin doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee barlamaanka Soomaaliya.