Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Joojinta Fly Dubia Ee Duulimaadyadeedda Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)-Shirkada diyaaradaha FlyDubai ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go’aansatay in ay joojiso duulimaadyadii todobaadkiiba 3 cisho ay ku iman jirtay magaalada Hargaysa, kadib markii xukuumada Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto.

Mareeyaha Hay’ada Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkada FlyDubai, ay go’aansatay in ay joojiso gabi ahaanba duulimaadyadeedi Hargaysa kadib markii, xukuumada Somaliland ay ku amartay in ay yarayso duulimaadyadeeda.