Dhakhaatiir Ku Guuleystay Qaliin Ay Kelli Xayawaan Ugu Talaaleen Nin

Hargeysa (Aftahannews)-Dhakhaatiirta qalliinka Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen in kelli doofaar ay ku tallaaleen qof bukaan ah ayagoo sheegay in ay rajaynayaan in ugu dambayn arrintaasi ay xallin doonto gabaabsiga xubnaha jirka ee dadku ay ku deeqaan.

Qofka kellida loo geliyey ayaa ahaa mid maskaxdiisu dhimatay, taas oo ka dhigan in markii hore ay xaaladdiisu liidatay oo aan rajo laga qabin in uu bogsado.Kellida waxaa laga keenay doofaar taas oo hidde ahaan la baddalay si looga hortago in jirku uu u aqoonsado in ay tahay mid (qalaad) oo markaas uu diido.

Shaqadan ayaa ah mid aan wali dib-u-eegis lagu samayn amase aan la daabicin, balse qorshaha ayay ku jirtaa in sidaa la sameeyo.Tijaabooyin taas la mid ah ayaa horay loogu sameeyey xayawaanka, balse waa markii ugu horraysay oo bini-aadam lagu sameeyo.

In doofaarka loo adeegsado tallaalka xubnaha ma ahan fikrad cusub. Qalfoofka wadnaha doofaarka ayaa hore loogu adeegsaday bin-aadamka.Xubanaha doofaar kuna waa kuwo ay si wacan isu qaadan karaan xajmi ahaan kuwa bini-aadanka.

Intii lagu guda jiray qalliin laba saacadood qaatay oo ka dhacay jaamacadda New York University Langone Health medical centre, ayaa dhakaatiirtu waxay kellida doofaarka ku xidhiidhiyeen halbowleyaasha dhiigga ee bukaanka maskax ahaan u dhistay si ay u eegaan in si caadi ah ay u shaqaynayso.Labadii cisho iyo barkii xigay ayaa si dhow dhakhaatiirtu ula socdeen kellida, ayagoo ka qaadayey tijaabooyin dhowr ah.

Madaxa baadhitaanka Dr Robert Montgomery ayaa u sheegay barnaamijka World Tonight ee BBC -da: “waxaan aragnay kelli u shaqaynaysa sidii kelyaha bini-aadanka oo kale, taas oo qabanaysa shaqada ay qabato kellida bani-aadanka”.

Dhakhaatiirta qalliinka ayaa ku tallaalay qeyb ka mid ah qanjirka doofaarka, oo ay weheliyaan kelyaha. Waxay u malaynayaan in xubintani ay gacan ka geysan karto joojinta jidhka bani’aadamka oo diidaya kelyaha mustaqbalka fog iyada oo kor u qaadeysa unug kasta oo difaaca jirka ah oo laga yaabo inuu si kale ula dagaallamo unugyada doofaarka.