20 Sanno Kaddib Nin Soomaali Ah Oo Xubin Ka Noqday G. Deegaanka Turino

Muqdisho, (Aftahannews)- 20 sanno kaddib, ayaa markii ugu horraysay nin Soomaali ah wuxuu xubin ka noqday golaha deegaanka ee magaalada Turino ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi Axmed Macalin oo wareysi siiyay BBC Soomaali ah, ayaa sheegay sababta uu uga mid noqday golaha deegaanka Turina, in ay tahay sidii uu ugu qareemi lahaa Soomaalida soo galootiga ku ah Talyaaniga.

Cabdullaahi Axmed Macalin oo katirsan xisbiga dimuqraadiga, wuxuu sheegay inuu noqday qofkii ugu codka badnaa doorashada“Booskaan, waxaa iiga horreeyay allaha u naxariistee Maxamed Aadan Sheikh, oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Maxamed Siyaad Barre, Soomaalidu sharaf gaar ah ayay u hayaan ninkaas. Aniguna sharaf ayay ii tahay in aan 20 sano kaddib booskaas buuxiyo,” ayuu yidhi Cabdullaahi.

Cabdullaahi wuxuu sheegay guushiisa in ay uga dhigan tahay in Soomaalida iyo ajaanibta ku dhaqanka Turino  ay heleen qof codkooda matala oo ka shaqeeya arrimaha quseeya nolashooda.

Wuxuu sheegay waxyaabaha ugu horreeya ee uu qabandoono inay taha sidii dadka ajaanibta loo siin lahaa xafiisyo ay dadkooda wax ugu qaban karaan iyo in la sameeyo hal maalin oo loogasoo horjeedo islaam nacaybka.

Soomaalida ku dhaqan wadamada reer galbeedka ayaa sanadihii ugu dambeeyay loolan xooggan ugu jiray in ay xubin ka noqdaan siyaasada wadamadaas.

Waxay haatan Soomaali badan xilal ka hayaan inta badan wadamada Maraykanka iyo Canada, xilalkaas oo gaadhaya heer wasiir illaa congarees.