Dowladda Soomaaliya Oo Bayaan Kasoo Saartay Mowqifkeeda Wax Ka Beddelka Howlgalka AMISOM

Muqdisho, (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qorshayasha uu wado midowga Afrika oo dhawaan taageeray hindise lagu doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay  si cad uga soo horjeedo  hawlgal oo aan ahayn  AMISOM in Soomaaliya laga dhaqan galiyo .

Dowladda federalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay Muqdisho ku soo dhaweysay wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika (AUC) iyo AMISOM.

Kulan wadajir ah ayaa la qabtay sida ay sheegtay dowladdu intii u dhexeysay 12 -kii ilaa 14 -kii Oktoobar 2021, si looga wada xaajoodo arrimahan, lana isku fahmo xalka wadajirka ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirka Golaha Ammaanka oo ku eg 15 -ka November 2021, ka jeedin doono warbixin ku saabsan qorshayasha uu wado midowga Afrika ee wax looga beddelayo howlgalka AMISOM.

Qorshaha ayaa ah in AMISOM  loo beddelo howlgal isku dhaf ah oo ay ku midaysan yihiin midowga Afrika iyo  Qaramada Midoobay.