Wasiir Cabdilaahi Abokor: “Faysal Cali Waraabe Waa Weel Madhan Oo Maxkamad Ayaan La Tiigsanayaa….”

Muqdisho, (Aftahannews)- Wasiir howlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq xiligii uu ahaa wasiirka jidadka.


Wasiirka ayaa Faysal ku eedeeyay in uu markasta fagaarayaasha ka sheego, hadalo aanu iska hubsanin oo been abuur ah, isla markaana uu hagardaamo ku yahay Somaliland.