Soomaaliya Oo Ka Hadashay Maraakiib Xaalufin Ku Haya Badda

Muqdisho, (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay kalluumaysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye ka wadaan badda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr, Saleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay gacanta kusoo dhigidoonto maraakiibta gurranaysa kheyraadka ku jira badda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in dowladdu xoojinayso dadaallada lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo uu ku tilmaamay masiibo qaran oo u baahan wax ka qabasho.

“Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya waxa uu yahay masiibo qaran oo ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee Soomaaliya kheyraadkeeda ka jira, waana midda ugu weyn,” ayuu yidhi xeer ilaaliyuhu.

Hadalkaan ayuu xeer ilaaliyuhu sheegay xilli maanta uu soo dhoweynayay howlwadeeno dowladda u soo tababartay wax ka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Wuxuu  xeer ilaaliyaha ciidamadda badda ugu baaqay in ay soo qabtaan maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya