Masuul Iska Casilay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Shaqsi Ahaan Is-sharraxay

Muqdisho (Aftahannews)-Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Kayse Cali Geedi, ayaa iska casilay dhamaan xilalkii uu ka hayay xisbiga, wuxuuna sheegay in uu isku casilay sharci jabin uu guddoomiyaha xisbigu sameeyay awgeed.


Geedi ayaa sheegay in uu iska casilay ilaa 5 xil oo uu sheegay in uu ka hayay xisbiga Waddani, wuxuuna sheegay in iscasilaadiisa ay sababtay kadib markii guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani si sharciga baal marsan loo eryay.