Madaxda Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Geeridda Majaajilayste Ajakis Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)-Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariiste majaajiliistahii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta Muqdisho ku geeriyooday.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Cabdi Muriidi Ajakis, isagoona alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ugu deeqo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.
Sidoo kale Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay geeridii maanta ku timid majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay Isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho.
“Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa yiri Raysal wasaare Rooble.

Geerida majaajiliiste Ajakis ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay siyaasiyiinta, fanaaniinta, wariyaasha iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.