Kooxaha Man.United Iyo Chelsea Oo Xasuuq Ba’anni Ku Dhacay

Manchester City ayaa guul weyn ku soo gaadhay Stamford Bridge ka dib markii ay 1-0 ku soo garaaceen Chelsea iyagoo soo gabagabeeyay rikoodhkii seddexda guuldarro isku xigta ee ay kala kulmeen Blues tartamada oo dhan.

Ciyaartii maanta ayaa aheyd mid ay City ku soo talogashay inay kubad weerar ah ciyaarta halka tababare Thomas Tuchel uu kooxdiisa kula soo dardaarmay inay daafac galaan ilaa iyo markii uu Gabriel Jesus goolka guusha ka dhaliyay bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkeeda Old Trafford, waxaana 1-0 ku garaacday Aston Villa xilli uu Bruno Fernandes khasaariyey rikoodhe.

Manchester United oo toddobaadkii horena guul-darro kalantay tartanka Carabao Cup oo ay kasoo reebtay West Ham United, ayaa khasaarihii labaad oo xidhiidh ah ee dhamaan tartamada loogu xambaariyey gaoronkeeda.

Gool uu Kortney Hause daqiiqaddii 88aad madax ku dhaliyey ayaa  ugu filnaaday Aston Villa inay hesho saddexda dhibcood oo ay aad ugu baahnayd si ay sare ugu soo kacdo, laakiin Manchester United oo rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 90aad ayaa waxa ka khasaariyey xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Manchester United ayaa hadda u dhacday kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay ka hoosaysaa Chelsea oo ay isku dhibco yihiin, halka Man City ka badisay Chelsea ay soo gashay kaalinta labaad.