Siilaanyo, Boqor Buurmadow Iyo Guddoomiye Cirro Oo Laf-dhuun-gashay Ku Noqday Xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulan salaam sharafeed ah kula qaatay hoyga uu ku deggan yahay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo qoyskiisa.


Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in kulankaasi ahaa mid lagu wadaagay fikrado siyaasi ah oo ku aaddan waaqaca siyaasadeed ee xilligan Somaliland ka jira.

Kulanka waxa kale oo ku wehelinayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) iyo Amb Baashe Cawil X. Cumar