Soomaaliya Oo Ka Hadashay Wadahadalkii U Dhaxeeyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisalwasaare Rooble

Muqdisho (Aftahannews)-Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.
Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay.


Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul.
“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil,”ayuu ku yiri qoraal uu wasiirka Galmudug soo dhigay Facebook, qoraalkaas oo ay sii faafiyeen Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi iyo dad kale.
Wasiirka madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale dhaliilay xafiiska madaxweynaha, oo ku sheegay in ” lagala kulmay caqabad”.
“Iyadoo Raysal Wasaare Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cumar Shido.
Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhammaadaan
“Waxay na bogaadinayaan dedaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yidhi sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.