Tiyaatarka Qaranka Oo 30 Sanno Kadib Lagu Soo Bandhigay Filim Laga Sameeyey Soomaaliyeed

Muqdisho (Aftahannews)-Mudo 30 sanno kadib ah waxaa Xalay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed lagu soo bandhigay Filim cusub oo ay jilayeen dhalinyaro Soomaaliyeed maskaxdiisana ay laheyd gabdh.
Dhalinyaro farabadan oo si aad ah u xiiseynaayay daawashada Aflaanta xalay lagu soo bandhigaayay Tiyaatarka Qaranka ayaa buux dhaafiyay Tiyaatarka si ay u daawadaan filimaanta xalay halkaasi lagu soo bandhigaayay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka mid ahaa dadka u daawasho tagay 30 sano kadib filimaan lagu soo bandhigaayay tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed.
Wasiir Dubbe oo la hadlayay boqolaalka dhalinyarada ah ee xalay u daawashada tagay Tiyaatarka Qaranka si ay u daawadan 30 sano kadib filmkii ugu horeeyay ee lagu soo bandhigaayay Xarunta madadaalada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in 30 sano kadib dhalinyaro Soomaaliyeed ay tiyaatarkii qaranka kusoo bandhigaan hal abuurkooda.
Keyf Jaamac oo aheyd gabadhada ka dambeysay maskaxda laba filim oo xalay lagu soo bandhigay tiyaatarka qaranka ayaa sheegtay iney dareemeyso farxad siyaado ah maadama hal abuurkeeda kusoo bandhigtay tiyaatarkii qaranka Soomaaliyeed.
“Waxaan si weyn u dareemayaa farxad aan lasoo koobi karin maadama aan helnay sano badan kadib goob aan kusoo bandhigno hal abuurkeena, waxaana caawa la daawaday laba filim oo ku kala saabsana Khilafka Lamaanaha is jecel iyo mid Cabsi cabsi ahaa oo ay labadooduba jilayaan dhalinyaro Soomaali ah” ayay tiri Kef Jaamac.
Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa majaajiliistayaasha ah ayaa sidoo kale sheegay iney si weyn u farxad galineyso inay arkaan Tiyaatar ay iyaga leeyihiin oo ay kusoo bandhigan karaan fikradahooda iyo jiliinkoodaba.