Gabadh Yar Oo Sawirkeedda Lagu Iibinayo Lacag Qaali Ah Iyo Falcelinta

Gabadh yar oo soo jiidatay aaladda internet-ka ka dib markii sawirkeedii ku baahay ayaa hadda kumanaan kun doolar ku iibineysa sawirkii asalka ahaa.

Chloe Clem, oo hadda 10 jir ah, ayaa sannadkii 2013-kii aad ugu baahday internet-ka iyadoo laba jir ah, ka dib markii hooyadeed ka duubtay muuqaal ay si layaab leh ay kaga falcelineyso safarkii layaabka lahaa ee Disneyland ay iyada iyo hooyadeed ku tageen.

Sawirka ayaa tan iyo markaas noqday mid aad loogu wadaago internet-ka oo caan ah. Waxaa loo iibin doonaa qaab lagula wareegaya sawirka dhijitaalka ah ee asalka ah.Shirkadda NFT waxay bixisaa shahaadada dhijitaalka ah ee lahaanshaha sawirka, waxayna u oggolaanaysaa in noocyadii hore ee asalka ahaa ee ku jira internetka loo iibiyo sida inay yihiin sawirro caadi ah.Bishii Sebtember 2013, Chloe hooyadeed Katie ayaa soo gelisay internet-ka muuqaal muujinaya labadeeda gabdhood oo ka falcelinaya kadiska dalxiis ay ku tageen Disneyland.

Mid ka mid ah gabdhaha, Lily, ayaa bilawday oohin, ayay tidhi, “Balse markaa kaamirada ayaa is wareejisay oo Chloe waxay ka badashay wejigeeda, waxayna u ekaatay qof ilka dhaadheer, inta kalana internet-ka ayaa ku daray.”Muuqaalka ayaa la daawaday in ka badan 20 milyan oo jeer, halka falcelinta Chloe uu noqday dareen internet oo aad u ballaadhan oo si weyn ay u isticmaalaan dadka adeegsado alaadaha kala duwan ee internetka.

“Waxaan furay Tumblr waxaana arkay kaliya bogag badan oo ay ku jiraan wejiga Chloe,” ayay hooyadeed u sheegtay BBC-da.“Waxay ahayd arrin aad u la yaab badan. Qoyskayga iyo asxaabtayda ayaa ii soo dirayay sawirkan xusuusta mudan – illaa maanta waxay ii soo diraan sawirka Chloe marka ay internetka ku arkaan.”

Toddobaadyo gudahood, maqaal lagu dabaacay Buzzfeed ayaa lagu sheegay in Chloe ay tahay “boqoradda internetka”.Hadda qoyska Utah waxay go’aansadeen inay sawirka ku xaraashaan shirkadda NFT . Iibka ayaa ku billowday lacag qiyaastii gaareeyso $ 15,000 oo doolar.Ms Clem ayaa sheegtay in ka dib markii ay wax ka ogaatay suuqa NFT, iibinta sawirka -ka ay tahay “mid aan caqli gal ahayn”.“Waa fursad fiican, gaar ahaan haddii ay jirto in taageero ay Chloe ku heleyso, xataa Chloe waxay tidhi ‘taasi waa wax aad u fiican’-haatan waa 10-sano jir in la yiraahdo gabadhaas waa xusuus wanaagsan.”

Suuqa xuquuqda lahaanshaha farshaxanka ee dhijitaalka ayaa dhawaanahan sare u kacay kadib markii dhowr milyan oo doolar lagu iibiyay sawir shirkadda NFT la dhigay.

Bishii March, aasaasaha shirkadda Twitter-ka Jack Dorsey wuxuu iibiyey qoraalkiisii ugu horreeyay abid ee Twitter-ka. Ganacsade deggan Malaysia ayuu kaga iibiyay lacag dhan $ 2.9 malyan oo doolar.

Bishii Abriil, haweeneydii loogu yeeray meme Girl ayaa sawirkeeda lagu iibiyay $ 500,000 oo doolar. Toddobaadyo kadib, sawir kale oo loogu magac daray gabadha saaxiibka ah ayaa lagu iibiyay $ 411,000 oo doolar.