Casharo Ku Saabsan Ciyaaryahan Cunsuriyad Lagu Sameeyey Oo Lagu Dhigan Doonno Dugsiyadda Ingiriiska

Da’yarka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa la filayaa inay lagu baran doono dugsiyada dalweynaha UK iyadoo laga warrami doono sida uu dhinaca wanaagsan ugaga faa’idaystay baraha bulshada.
Xiddiga Manchester ayaa baraha bulshada iyo isaga oo ka faa’idaysanaya dadka badan ee ku xidhan kaga hadlay arrimo laga xusi karo cunada bilaashka ah ee carruurta fuqarada ah lagu siiyo dugsiyada iyo waliab cunsuriyada.


Intii lagu jiray wakhtigii karantiinka ee caabuqa Korona Fayras, Rashford ayaa si weyn ugu dooday in la joogteeyo lana sii dheereeyo mudada cuntada bilaashka ah la siinayo caruurta dugsiyada waxaana uu ku qasbay dawlada UK inay sii wado bixinta cuntadaas oo ay ka jaraysay caruurta.
Rashford ayaa loo magacaabay bilad sharafka MBE kaddib markii uu ururiyay 20 Milyan oo pound oo cunto la sadaqaynayo ah taas oo ka caawinaysa inay quudiyaan carruurta yar yar ee dugsiyada dhigata, arrintan ayaa ku dhalatay 23 sano jirkaas maadaama oo ay isaga cuntada dugsigu muhiim u ahayd caruurnimadiisii.