Gabadh Ka Sheekaysay Nin Jaamacad Dhammeeyey Oo Hadyad Looga Dhigay Iyo Mucjisadda

Hargeysa, (Aftahannews)-Caasha Ake waa gabadh 26 jir ah oo xaas soo ahayd muddo 13 sanno ah.Islamarkaanna waxay sheegtay in iyadoo 13 jir ah loo guuriyey nin abaalmarin ahaan looga dhigay iyadda.Guud ahaan waqtigii guurkeeda waxay arrintu la ahayd riyo keliya, sababtoo ah ma aysan ogeyn sida ay wax u dhacayeen.

Waxa ay ka soo jeeddaa mid ka mid ah bulshooyinka oggolaada in gabdhaha lagu guursado da’ aad u yar. Guurka carruurta sharci darro ayuu ka yahay dalka Kenya”Waa la i guursaday. Maadaama aan ahaa carruur, xitaa ma aanan fahansaneyn waxa ninkeyga uu u baahan yahay, sidoo kalena ma garaneynin mas’uuliyadda qoyska, run ahaantiina, ilmo ahaan ka ahaa ninkeyga dhankiisa,” ayay tidhi Caasha.

Caasha, oo dhalasho ahaan kas oo jeedda magaalada Moyale ee waqooyi-bari Kenya, waxa ay sheegtay inay ku soo kortay kuriga eeddadeed oo uu aabbeheed qabay, taasoo loo geeyay iyadoo 2 sanno jir ah.

“Markii aan gaadhay fasalka shanaad, oo aan qorsheynayo inaan usii gudbo fasalka lixaad, ayaan ka war helay arrinta oo dhan. Xilligaas ayaan gartay in aan xidhiidh xun la lahaa xaaska aabbeheey, sidaa darteed waan awoodi waayay inaan si fool ka fool ah ula hadlo iyada aana kala sheekeysto arrimaha i dhibayay,” ayay tidhi Caasha oo dib u xasuusaneysa marxaladdaas.

“Waad xasuusataa dadkii na soo booqanayay, iyo ninkii dhallinyarada ahaa ee la socday, waxay sheegeen inay ku soo doonayaan si uu wiilka kuu guursado,” hadalkaas ayay tidhi haweeneydii uu aabbeheed qabay ee soo korsatay”Aad baan u argagaxay, mana garaneynin wax aan sameeyo, sidaa darteedna kama soo horjeedsan karin, su’aalna ma keeni karin. Waan iska aamusay anigoo wadnaheyga uu aad u garaacmayo.”

Waxay ahayd intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2007, nolosheediina waxay durbadiiba gashay isbeddel, maadaama ay aqal-gashay iyadoo 13 sanno kaliya jirta.