“Somaliland Oo Ka Mid Ah Dalalka Hoggaamiya Dimuqraadiyadda Africa, Waxa Aanay Marnaba Aqblayn In…” – WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa, (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa Beesha Caalamka u sheegtay inaanay dal ahaan qayb ka ahayn Doorashada abaabulkeedu Muqdisho ka socdo ee la filayo in dhawaan laga qabto Soomaaliya.

War-murtiyeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa beesha caalamka lagu wargeliyey inay Somaliland ka madax-bannaan tahay Soomaaliya maadaama ay leedahay Dawlad madax-bannaan iyo Goleyaal cod shacab ku yimi.

Xukuumadda Somaliland waxa ay dowladda Soomaaliya uga digtay sheegashada magaca Somaliland iyo xulashada shaqsiyaad u dhashay oo ay sheegtay inaanay cidna metelin.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:- “Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax-bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya.Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii May 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sanno kadib, Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(Golaha baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xoriyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka. Ugu dambayn Somaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.