London: Koox Ka Tirsan Premier League Oo Dhaqaale Khasaartay

Muhiimadda uu Cristiano Ronaldo u leeyahay ganacsiga Manchester United oo uu dib ugu soo laabtay, waa mid aad u sarraysa oo ka caawin karta inay kasoo kabtaan jugtii dhaqaalaheeda uu u geystay fayraska Korona oo mudddo sannad ah sababay in lagu ciyaaro garoomo madhan.

United ayaa la rumaysan yahay in durba ay dareemayso koboc dhaqaale  iyo qasnadaheeda ay kusoo dhacayaan lacago badan oo uu sababteeda leeyahay Cristiano Ronaldo kuwaas oo uga imanaya iibka garamada iyo dharka kale ee kooxda oo bishan September ay ahayd kooxda loogu iibsiga badan yahay dharkeeda.

Sidaas oo ay tahay, Manchester United ayaa shaacisay, in ay gashay khasaare  gaadhaya £92.2 milyan oo Gini oo kasoo bilaabmaya badhtamaha sannadkii hore gaar  ahaanbishii June, waxaana sidaas caddeeyey guddoomiye ku-xigeenkii hore eekooxda ee Ed Woodward.

“12kii bilood ee tegay waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee  soo maray taariikhda Manchester United.” Ayuu yidhi Ed Woodward.

Manchester United waxay iclaamisay in khasaaraha ugu badan uu kasoo gaadhay isbeddelka ay dawladda UK ku samaysay cashuurta, taas oo ku keentay khasaare gaadhaya £36.9 milyan oo Gini, laakiin sidoo kale waxa uu hoos u dhac weyni ku yimid dakhligii uga soo xeroon jiray xayaysiisyada iyo ganacsiyada [iibka qalabka  kooxda], kaas oo ay ku waayeen hanti gaadhaysa £47 milyan oo Gini.

Waxa kale oo ay kooxdu sheegtay in £7.1 milyan oo Gini oo kaliya ay ka heleeen taageereyaal waqti kooban yimid Old Trafford, halka 12-kii bilood ee kasii horreeyey ay uga soo xerootay £89.8 milyan oo Gini.