Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Ku Dhaliilay Amaan Darada Laascaanood

Hargeysa, (Aftahannews)-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in anay daacad ka ahayn sugida amaanka magaalada Laascaanood.

Xoghayeha ayaa sheegay in wasiir Maxammed Kaahin oo xukuumada u qaabilsan amaanka uu safar ku tagay gobolada galbeed ee Somaliland, isagoo sheegay in looga baahnaa in uu tago gobolka Sool oo uu u kuur galo xaalada amaan ee gobolka.

“Wasiir keena arrimaha gudaha hadii ay dhab ka tahay jacaylka reer Laascaanood Borama iyo Gabilay kamuu soo dhaanteeyeen maydkii Laascaanood oo yaala, wuu la xanuunsan lahaa wuu u tagi lahaa, mushkilada jirta ayuu soo eegi lahaa” ayuu yidhi xogeeyuhu.

“Intaan xogta ku hayno majirto war ay xukuumadu kasoo saartay mushkiladaha Laascaanood ka dhac dhacaya, shalay oo ugu danbaysay guddi ay reer Laascaanood samaysteen ayay xukuumadu guddi kaga jawaabtay, markaa xukuumada wexeedu ma jawaab uun baa” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumada Somaliland ayaa guddi wasiiro ah u magacowday u kuur galista xaalada amaan daro ee ka jirta gobolka Sool ee bariga Somaliland, iyadoo dilal is xig xigay dablay aan haybtooda la aqoonsan ugu gaysteen masuuliyiin xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ka tirsan.