Beesha Caalamka oo ka hadashay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Raysal-wasaarahe Rooble

Muqdisho (Aftahannews)-Xubnaha Beesha Caalamka iyo hay’addaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa War saxafadeed si wadajir ah uga soo saaray khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.
War saxafadeedka ayaa beesha Caalamka waxay ku sheegeen iney walaac xoogan ka muujinayaan khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha Caalamka.

Qoraalka beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa loogu baaqay madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha iney ka shaqeyaan sidii ay xal uga gaashi lahayeen khilaafka u dhaxeeya labadooda.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Caalamka.

Gebogabadii Beesha Caalamka, ayaa warkooda ku sheegay in Dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah, isla markaana oo loo dhan yahay. Sidaa darteedna loo baahan yahay in meesha laga saaro Kala-qaybsanaanta hadda socota oo ay ku tilmaameen mid halis ah oo wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.