Soo Noqoshadda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Waxay Walaac Ku Tahay Ra’iisalwasaare Rooble?

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews)-Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xidhay taiyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad ayaa lagu waday inuu ku soo laabta magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu billowday qalalaasha siyaasadeed e u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble ee sababay inuu ku waaya xilkiisa agaasimaha hay’adda NISA.

“Imaanshaha (Fahad) waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ,” Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels.

Madaxweyne Farmaajo Xidhiidh lama laha dowladda Jabuuti,kaddib markii uu xidhiidh la yeeshay Eritrea iyo Itoobiya, Jabuutina dareensiiyay go’doon, ayuu yidhi Cumar. “Jabuuti kuma aysan faraxsaneyn dowladda

Farmaajo in muddo ah sidaa darteed la yaab ma laha in la arko iyagoo sameynaya wax dhib ku ah Maxamed, haddii ay kas ka tahay iyo haddii aysan ka ahaynba,” ayuu yidhi.

You must be logged in to post a comment Login