13:SanoTirada Madaxwayneyaasha soo maray Soomaaliya iyo inta Raysal-wasaare ee ay isku dhaceen

Hargeysa(Afthannews):-Waxaa mar kaliya cirka isku shareeray oo soo if baxay khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo muddo sanad ah wada shaqaynayay,taasoo ay warbaahinta afka Soomaaliga ku hadashaana aad wax uga qortay.

Hadaba si aad wax badan uga ogaato  muddo sadex iyo toban sano ah inta Madaxwayne ee Soomaaliya soo martay laga soo bilaabo xilligii ku meel gaadhka iyo illaa maanta iyo inta  Raysal-wasaare ee ay is khilaafeen halkan ka kahriso.

Dadka ka faallooda siyaasdda Soomaaliya qaarkood ayaa u arka in khilaafkani uu soo raagay  marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxweynayaashii hore iyo Raysal-wasaareyaashii Soomaaliya soo maray dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbeysey.

Soomaaliya waxay yeelatay 10 Raysal-wasaare tan iyo sanadkii 2000 xilligaas oo la soo doortay Madaxweynihii ugu horreyey ee kumeel gaadh  ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cabdiqaasim waxaa uu yeeshay saddex Raysal-wasaare – Dr. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yusuf.

kuligood444

                                                                        Madaxda Soomaaliya soo martay ee khilaafku kala irdheeyay

Madaxweynihii ku xigay Cabdullahi Yusuf, waxaa uu magacaabay seddex kale muddada uu xukunka hayay – Cali Maxamed Geeddi , Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu isaguna  magacaabay muddadii uu Madaxweynaha ahaa Seddex Raysal-wasaare oo uu ugu horreeyey Cumar Cadirashiid Cali Sharmaake, kuna xigey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uguna danbeeyey Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Su,aasha ay dadka qaarkood haatan isweydiinayaan ayaa waxay tahay, Madaxweyne Xasan Sheekh , inta uu Madaxweynaha yahay imisaa Raysal-wasaare ayuu magacaabi doonaa?

Cadullaahi Cosoble, oo khabiir ku ah sharciga kana soo shaqeeyey Xukuumadihii soomaaliya Xorriyaddii kaddib wasiirna ka ahaa xukuumaddii Millatariga ahayd ,, ayaa waxaa uu qabaa , inaanay  dhici Karin Madaxda Soomaaliyeed inay iyagu dhammaantood  sabab u yihiin khilaafka, hase yeeshee uu qaladku ka jiro dastuurka, sidaasi darteedna ay tahay in dib loogu noqdo dastuurka haatan lagu dhaqmayo.

Sababta Khilaafka

rr6

Inkasta oo aaney jirin xog rasmi ah oo asalka khilaafka xuseysaa haddana warar kala duwan ayaa ka soo kala baxaya xaafiisyada labada mas’uul kuwaasoo midba si u sheegayo khilaafka.

Sarkaal sare oo ka tirsan xaafiiska Raysal-wasaare Saacid oo ka gaabsaday in magaciisa lasheego, ayaa  caddeeyey in la isku hayo arrimo dastuurka ku saabsan oo ah Cidda awoodda u leh magacaabidda xukuumadda.

Wuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray in haatan waan waan xal lagu raadinayaa ay  socoto, haddii la isku afgaran waayana lagu kala bixi ddoono dastuurka oo macnaheedu noqon karo barlamaanka.

“Madaxweynaha, waxaa sugayo howlo baaxad weyn oo ay tahay in ladhameeyo 2016 kahor, sida dib u eegid in lagu sameeyo Dastuurka, dhismaha maamul gobaleedyada, suggidda ammaanka dalka iyo howlo kale oo badan, sidaa darteed markii Madaxweynuhu wadatashi badan amuurahaas oo dhan ka sameeyey wuxuu go’aansaday in uu sameeyo isbaddel ballaadhan oo ay kamid tahay magaacaabid Raysal-wasaare cusub” Sidaas waxaa yidhi sarkaal sare oo u hadlay xafiiska Madaxweynaha oo diiday in magaciisa la sheego. Mas’uulkan ayaa BBC-da u sheegay inuu filayo in afgarad ama sulux lagu dhameyn doono arrinta taagan oo aanay gaadhi doonin baarlamaanka.

rr5

Guddoomiyaha balamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari, markii oo  ugu horreysey ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha soo kala dhexgalay ayaa waxaa uu sheegay in arrintan lagu xallinnayo  gudaha dalka.

“Dalku dastuur ayuu leeyahay , xaalkuna sidii hore maaha oo dibadda looga iman jirey in la xalliyo khilaafka masuuliyiinta.,” ayuu yidhi Jawaari.

Labo arrimood middood ayay khubaradu sheegayaan in ay ku dhammaan doonto.

1.In waan waan lagu dhameeyo iyo is afgarad isla markaana uu Raysal-wasaare Saacid aqbalo inuu is casilo.

2.In Dastuurka lagu kala boxo oo ay baarlamaanku kala saaraan labada masuul isla markaana ay xilka ka qaadaan Raysal-wasaare Saacid,

Mar hadaanay hore u dhicin  inay wada shaqeeyaan Madaxweyne iyo Raysal-wasaare Soomaaliyeed oo siyaasad isku afgaran waayey.

Xigasho: BBC Somali