Dowladda Djibouti Maxay ka Tidhi Diyaaradda ay ku Xannibtay Fahad Yaasiin?

Wasiirka arrimaha dibedda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf
Wasiirka arrimaha dibedda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf

Djibouti (aftahannews):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay xanibaadda diyaarad uu saaarnaa taliyahii hore ee hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyo Rikaab kale oo fara badnaa iney dib ugu celinayaan dalka Turkiga oo markii hore ay kasoo duushay diyaarada.

Wasiirka arrimaha dibedda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf
Wasiirka arrimaha dibedda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf

War qoraal ah oo uu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dhamaan rikaabkii saarnaa diyaarada ay dib ugu laabanayaan dalka Turkiga, islamarkaana waxuu sheegay ineysan waxba ka jirin warar lagu faafiyay baraha bulshada.

“Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili saacado ka hor war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu eedeysay dowlada Jabuuti iney garoonka diyaaradaha dalkaasi ku xanibtay lataliyaha dhinaca amniga madaxweyne Farmaajo.

Gabagabadii Wasiirka ayaa sheegay inay garab taagnaan doonaan Soomaaliya ayna fargelin ku sameyneyn arrimaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Xigasho Hiiraan.com.