Madaxtooyada Soomaaliya oo Sheegtay in Diyaarad sidday Fahad Yaasiin Djibouti lagu Xannibay

Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin
Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin

Muqsisho (aftahannews):- Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegtay inay dawladda Djibouti xannibtay Jimcaha maanta Diyaarad uu saarnaa Agaasimahii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin.

Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin
 Fahad Yaasiin

Diyaaradda oo ka timi magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, ayaa sidday dhawr iyo afartan qof oo rakaab ah oo uu ka mid yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kuwaas oo ku socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed, ayaa si cad u sheegay in dowladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xanibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil kale oo qeyb ka aheyd Safarka Fahad Yaasiin.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xanibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehlisa” ayuu yri Afhayeenka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweye Farmaajo Fahad Yaasiin uu ka qayb gali rabay shirka Amniga Qaranka oo lagu wado inuu maalinta barito ah oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Afhayeenka Warfaafinta Madaxdooyada :-