Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Ee Somaliland Oo Codsaday In Loosoo Gudbiyo Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare

Muqdisho (Aftahan)- – Gudoomiyaha guddiga maamulka doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ka codsaday Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdilahi inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha guddiga ayaa lagu sheegay in guddigu u diyaarsan yahay fulinta habraaca doorashada aqalka sare, iyagoo codsaday in si degdeg ah loogusoo gudbiyo liiska tartamayaasha aqalka sare.

Doorashada senatorada aqalka sare ku matalaya gobolada waqooyi ayaa ka dhacaysa Muqdisho, waxaana dhawaan heshiis siyaasadeed laga gaaray oo lagusoo afjarayay khilaafka guddiga doorashada.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabaan musharraxiinta ku loolamaya doorashada aqalka sare, oo ay u halqal tagayaan siyaasiyiin badan oo reer Somaliland oo ku sugan Muqdisho.