“Coldoon waa in Caqligiisa lala hadlo oo Sharciga lagula dhaqmo…”

Coldoon nuxurka doodiisu waa in lagu xadgudbey qodobka 5aad ee dastuurka JSL oo dhigaya in ” Diinta dalku ay tahay islaam, isla markaana reebban tahay faafinta Diin kale iyo wax kasta oo ka soo horjeeda diinta islaamka ” . Waa eedayn ay daruuri tahay in loo hayo caddeyn, Nasiib darro coldoon ma keenin.

Asalka ba in qofku kiristaan yahay iyo in uu fidinayo kiristaanimada ma aha labo isku mid ah. Somaliland na waxa jooga boqollaal qof oo aan muslimiin ahayn, oo aaminsan diimo kale balse ku eeg kaliya shaqooyinka ay halkan u joogaan.

Marar kooban ayay dhacdaa in dad fidiyaan Diimo kale, in la xidho oo dalka laga saaro ayay na ka dhaxlaan. iyaga oo aan wax saamayn ah ka tegin. Hab aad u qarsoodi ah ayay u maraan fidinta, sida tashkiilinta dad kooban, qaybinta buugaag iyo qoraallo la tarjumay iwm. Balse iyaga oo qarsoodigaa ku wada ayaa la soo qabtaa.

Miyay kula tahay in xarumo dhan oo u furan faafinta Diin kale ay Somaliland ku qarsoomayaan, dawladduna iska indho tiri karto ? Way cadddahay in Jawaabtu tahay Maya. Waayo halkan kama suurtogal aha . Maxaad u malayn wax intaa ka sii xun, sida qawmuluudnimo ? Deyran !

Abaarso iyo dugsiyada la midka ahi waa goobo ay dhigtaan dadkeennu, kuwo aynu hebel iyo hebla u garanayno. Qaarkood waa ay dhammeeyeen. Waxa kale oo ka shaqeeya in badan oo dadkeenna ah, waalidiin ayaa ku xidhan oo xidhiidh joogto ah la leh. in goobtaa lagu dhigo wax lid ku ah Diinta islaamka waxa aynu ka arki lahayn dhallintaas, waxa aynu ka ogaan lahayn kuwa hadda dhigta. Si fudud ayaa lagu heli karaa xog dhaafsan inta maamulku bixiyo ama manhajka ku qoran, marnaba ma noqoteen wax is qariya.

Coldoon in uu ku doodo waxa dugsiga lagu eedaynayo ” ma aha wax la taaban karo ama la arki karo balse waa waxjira ” waxa kaliya ee ay tilmaamaysaa in aanu ilaa hadda hayn wax caddeyn ah. Hadda ba sidee loo rumaysan karaa eeddiisa caddeyn la’aan ?

Bilowgii hore, markii Nidaamka waxbarasho ee dugsiyadu ka dhismayay dhulka Somalida – gaar ahaan Somaliland waxa ay waajaheen dacaayad la mid ah middan oo dhigaysa in gaalnimo la fidinayo, waxa muuqanaysa markale in dhismaha hannaan tacliimeed oo casri ah wajahayo isla dacaayaddii oo kale.

Coldoon waxa uu hore qayb wayn uga ciyaarey oo u ahaa agab dacaayadeed fidinta siyaasaddii waddaniyadda qawmiga ah ku sallaysnayd, isaga oo Somaliland si kasta ugu xidhiidhin jirey shar kasta oo ku saabsan Cadaawaddii xabashida iyo Somalida.

Markii se kuwii barnaamijkaa watey ay itoobiya ka dhigteen wehelkooda koowaad hawshaasi meesha waa ka baxdey, waxaana muuqda in coldoon hawshiisii dhinaca Diinta u beddalay. Dhinac ka halis badan midkii hore.

Coldoon waxa uu xaq u leeyahay waxtar, in caqligiisa lala hadlo oo sharci lagula dhaqmo. Xidh oo hadda na soo daa marna xal uma noqon doonto arinkiisa..

Waxa qoray Cabdiraxmaan Axmed Warsame