Itoobiya oo Shaqada ka Joojisay Hay’addo Gargaar

Doctors Without Borders
Doctors Without Borders

Addis Ababa (Afthannews) – Laba ka mid ah hay’addaha gargaarka caalamiga ah, ayaa shalay sheegay in dowladda Itoobiya ay joojisay qeyb ka mid ah gabi’aanba howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollo ku yaalla Itoobiya oo ay ka mid yihiin gobollada Tigreega iyo Soomaalida.

Doctors Without Borders
Doctors Without Borders

Hay’adaha kala ah Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku qasabtay in ay hakiyaan howlgallada ay ka wadaan Itoobiya 30-ki bishi July.

Afhayeen u hadlay hay’adda Golaha Qaxootiga Norwary ee NRC, ayaa sheegay in sababta shaqada lagaga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan ayna haysan ruqsadda shaqada.

Hay’adda Dhaqaatiirta Aana Xuduudda Laheyn ee MSF, ayaa iyaduna sheegtay in saddex bilood kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah.

Afhayeen u hadlay hay’addan, ayaa sheegay in ay si deg deg ah dowladda uga doonayaan sababta looga joojiyay howlahii ay Itoobiya ka wadeen.

Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’addahani ay ‘hubeynayaan’ xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, ayaa uga digay dowladda Itoobiya eedaha ay u soo jeedisay qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ee caalamiga ah ee ka howlgala gobolka Tigray, eedahaas oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo khatar ah oo ay waajib tahay in ay in la joojiyo.

Martin Griffiths, ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay gobolka Amharada iyo Cafarta ay sababeen in ay ku barakacaan in ka badan 200,000 oo ruux, kuwaas oo hadda u baahan gargaar bani’aadannimo.