Dagaal Muqdisho ku dhex-maray Ciidammada Dawladaha Soomaaliya iyo Israa’iil

Muqdisho(Aftahannews):- Ciidammo ka tirsan Millateriga dalka Sra’el, ayaa gudaha magaalada Muqdisho kula dagaallamay Booliska Soomaaliya gaar ahaan gudaha Dekedda Muqdisho, dagaal kaas oo socday sida la sheegay qaddar saacado ah.

Dagaalka Booliska Soomaaliya iyo Ciidanka Yuhuudda ku dhexmaray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa yimi ka dib markii Ciidanka dalka Israa’iil oo saarnaa Markab ku xidhnaa Dekedda oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, ay Booliska Soomaaliya ee ka hawlgala Dekedda Muqdisho arkeen Ciidanka Sra’el oo sawiranaya shaqaalihii Dekedda ee Markabka rarka ka dejinayay iyo meelo kale oo gudaha Dekedda ah oo muhiima. Sawir-qaadashadaas Askarta Israa’iil ayey Booliska Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ka xumaadeen sida la sheegay, isla markaana ay ku amreen Ciidanka Yuhuudda ah inay joojiyaan Sawirrashada muuqaalka shaqaalaha iyo qaybo Dekedda ka mid ah oo ay u sheegeen inaan la oggoleyn in cidi iska sawirato.

Hase-yeeshee, Ciidnka Israa’iil ee Markabka saarnaa way diideen inay wax duubashada iyo sawirrada joojiyaan, taasina waxay keentay in hadalku ka xumaado, isla markaana la isku maandhaafo diidmadaas. Intaa ka dibna waxaa dhacday in labadii Ciidan ay gudaha Dekedda  ku dagaallmaan oo ay halkaa rasaas muddo socotay isku waydaarsadaan.

Inkastoo aanay jirin labada dhinac dhimasho soo kala gaadhay, haddana waxay darayaan in hal Askari oo ka mid ah Booliska Soomaaliya uu dhaawacmay, balse waxa la sheegay inay goobta soo gaadhay oo kala dhex-galay Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wararka, ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Yuhuudda laga wada-qaaday dhammaan muuqaalladii ay duubteen iyo inta badan sawirradii ay ka qaadeen gudaha Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho.

Nin lagu magacaabo Cumar oo ka mid ah Ragga ku dhex-ganacsada Dekedda magaalada Muqdhisho oo markuu dagaalku dhacay goob-joog ahaa, ayaa Warbaahinta u sheegay inaanay jirin qasaare dhimasho ah, balse uu arkay sida uu sheegay hal Askari oo ka mid ah Booiska Soomaaliya oo dhaawac soo gaadhay, ka dib markii sida uu sheegay ay xabbadi kaga dhacday mid ka mid ah labada lugood.

Dawladaha Soomaaliya iyo Israa’iil, ayaan midkoodna ka hadal dagaalka shalay Ciidammadooda kala duwan ku dhex-maray gudaha Dekedda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay ee tallaabadan oo kale ay qaab noocan ah uga dhacdo Dekedda magaalada Muqdisho.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.