Somaliland: Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaradka oo ka hadlay Afduubkii Xildhibaan Mustafe

Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland
Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Qaar kamida Xildhibaanada isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduub uu xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo Kulmiye ka tirsani sheegay in Addis ababa ay xukuumada Somaliland ugu gaysatay iyadoo isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.

Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin isla markaana layskula xisaabtami doono falka uu xildhibaan Mustafe sheegay in xukuumada Somaliland kula kacday.

Xildhibaanada oo tiradoodu dhanayd 4 xildhibaan ayaa dhamaantood si isku mida u cambaareeyay falka afduub ka ah ee xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye uu ku andacooday in ay kula kacday xukuumada Somaliland.