Marka la rabo in wax la saxo Shaqsi weerar iyo aflagaaddo Laguma saxo

Waxaan qabaa wasaradda Diinta iyo Awqaafta iyo wasaradda Hidaha iyo dhaqanku inay u bayaamiyaan shacabka Somaliland Faa’idda xaruntani dalkeena u leedahey.

Dadka eedeynayaa haddey wax cadd hayaan soo bandhigaan. Waayo maamulka xarunta haduu is difaaco dadkeenu waxu u arkayaa nin meheradd u leeyahey difaacaya.

Aqoonyahanka iyo culimadda waaweyna intey soo casumaan dood laga rabo. Waayo looma baahna nin suuqa jooga oo iska hadlaya. Xukumadduna maasuliyadeeda guddato.

Waayo dalkeenu waa Muslim, fawaaxishka dadka hadlayaa sheegayaan qofna ulama soo badheedhi Karo. Markaa si hadalkuba u yaraaddo ha loo yeedho culimadda waaweyn. Aqoonyahanka dhaqanka iyo qalinleyddu ha yimadaan.Hadalheyntuba ha soo ururtee waxaan aragti ahaan qabaa in wararka kutiri Ku teenka la soo afjaro. Haddii waxku saayid yihiina meesha laga saaro. Waxii wanaaga ee horumar ahna lagu tageero.

Waayo dadkeenu wararka iyagoon hubsan bey iskala boodaan. Waxa laga yaaba dadka Ka hadlayaa in aaney xogogaal u aheyn oo wareysan. Balse war ey maqleen iskala boodeen.Si waxwalba oo u cadadaan waxaan qabaa iney labadda wasaradood Ka howlgalaan.

Ninkii waxsheegaya miiska soo dhigo. Haddi ey tahey shaqsi naceyb iyo weerar aan meelna saarneyn waa meesheedda.Dastuurkeena shareecadda bayaamiyey in dalkeena waxii aan waafaqsaneyn raali laga aheyn.

Loomase baahna warar suuqa ah.Aqoonta iyo shareecadda waa la iswafajin karaa inta buug dadkeenu qoreen ee lagu soo bandhigey sanad walba weynu aragna. Madaxdii qaranka oo dhan baa Ka qeyb gashaa.

Markaa haddey tahey meel xumaanta lagu faafinayo maxaa maddax qaranka iyo aqoonyahanka dalkeena oo dhan uga qeyb-galaan.

Qalinkii: Abdirizak Diinaari