Loolankii Shir-guddoonka oo sii xoogeystay iyo Xildhibaano ku kala biiray Isbahaysiga Mucaaradka iyo Xisbiga Muxaafidka

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan Mustafe Axmed oo xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Sool, ayaa waxaa uu taageeray Isbaheysiga xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

Xildhibaankan, ayaa waxaa uu sheegay in uu ka badbaaday afduub ay la damac sanayd xukuumaddu, waa sida uu hadalka u dhigee.

Geesta kale, Xildhibaan Khadar Guun oo xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Maroodijeex, ayaa isna taageeray musharrixiinta xisbiga Kulmiye uu u soo xulay Shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.