Dagaal aan loo Kala Hadhin ayaa Innala Gudboon! W/Qoray: Xuseen Cali Nuur

Filed under: Aragtida Bulshada,Qalinka Qoraaga,Qubanaha |
Dagaalo iyo iska hor imaadyo kala duwan, ayaa dunida ka socda, horena way uga dhici jireen, shacbiga Somalilandna qaar ka mid ah ayaa hore u soo maray.
Suxufi Xuseen Cali Nuur

Suxufi Xuseen Cali Nuur

Dhammaan dagaaladaas iska hor imaadka ah- muddo kasta oo ay socdaan- xal baa loo helaa kala duwan. Hase ahaatee dagaal ka duwan kuwa caanka ah ayaa cadowgu ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa dagaal aan muuqan, waxyeeladiisa se muddooyinkan aad loo dareemay. Waa dagaal marka la ogaado u baahan in si wadajir ah loo galo weerar inta aanu xididaysan, weerarkaasina uu ahaado mid aan loo kala hadhin.
Weerarka cadowgu wuxuu adeegsaday laba maandooriye oo is barkan oo kala ah Khamri oo ay diinteenu xaaraantinimaysay, kuna sheegtay inuu yahay hooyada xumaanta oo idil, Ilaahayna inooga digay. Maandooriyaha kalena waxa ogaanshaha waxyeeladiisa laga fahmi karaa magaca loo bixiyey oo ah Maandooriye.
Labada hub ee khatarta ah cidda loo adeegsaday uma hadhin hub loo adeegsado burbur ummadeed. Waxyeeladaas oo aayo xumadeeda dhaxal u noqonaysa ubadkeenna iyo iiilasha ka dambeeya.
Noloshaas silica ah waxa tusaale inoogu filan dadkii gumaystuhu ugu tagay qaaradda Australia ee loo yaqiin “Ab Origin”, inta ka hadhay gumaadkii gumaysigu silica maanta ay ku nool yihiin.
Bishii June ee sannadkan 2021, dalka Maraykanku wuxuu xusay sannad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay maalintii Madaxweyne Richard Nixon uu ku dhawaaqay in dagaal lagu qaado Maandooriyaha.
Maraykanku nus qarnigaas dagaalka uu kula jiray waxa kaga baxay kharash ku dhow $200 oo Bilyan oo Doolar. Dhawr boqol oo kun ayaa loo xidhay ka ganacsiga iyo qabatinka balwadda Maandooriyaha.
Dagaalkii weli wuu ka socdaa dalka Maraykanka, waxase loogu guulaysan waayey, oo ayaan-darada ku dhacday ay tahay in dagaalka lagu qaaday sida odhaahdani tilmaamayso waa “Ciyi waa ka beryey”
Qaaradda Yurub oo iyana wakhti dambe ku baraarugtay la-dagaalanka mukhaadaraadka, kharashka ay ugu talogashayna waxa uu ka badan yahay Miisaaniyad sannadeedka dal ka mid ah kuwa ku jira Midowga Yurub.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waxay shacbiga uga digeen xawliga khamriga iyo maandooriyuhu dalka ugu fidayo iyo baahida loo qabo ka hortag midaysan oo degdeg ah.
Waxa loo baahan yahay in talada iyo digniinta shacabka la siiyey in la tixgeliyo oo lagu dhaqmo, si aanay u fidin sida cudurka COVID 19 oo aan laga hortagin markii la ogaaday.
Waxaan xusuusinayaa shacbiga in Xukuumadda Somaliland xeer ku kooban muddo bil ah oo ku saabsan xakammaynta qaadka ay soo saartay markuu Korona dilaacay. Waxa ujeeddadu ahayd ka hortagga cudurkaas oo ka dillaacay dalka Itoobiya iyo badbaadin shacbiga Somaliland.
Muddadaas kooban safaradii qaad qamaxyadu dhinaca xuduudka aynu Itoobiya la leenahay ay u safreen aad bay u badnaayeen. Dad badan oo aan hore ugu jirin ka ganacsiga qaadka ayaa soo ifbaxay.
Qaar kale ayaa naftooda halis geliyey, gaadiidkii ay wateena lala wareegay, isla markaana waxa cirka isku shareeray qiimihii qaadka lagu iibsan jiray.
Haddii hakin qaad oo bil ku siman lagala kulmay dhimasho, dhaawac, la wareegis hanti iyo dhibaato dhaqaale lagala kulmay; maxaad u malaynaysaa khatarta la geli lahaa haddii gabi ahaanba la joojiyo jaadka? Maxaadse u malaynaysaa khamriga iyo Maandooriyaha oo innagu fida waxay xaaladeenu noqon karto?
Ma u malaynaysaa in aan wax ka qaban karno dagaalka Maraykanku ku guulaysan waayey in aan innagu ku guulaysan doono?
Waxaan leeyahay si aan uga badbaadno, ubadkeenana aan dhaxal xumo uga ilaalino, waxa qof kasta oo muwaadin ah oo u tudhaya naftiisa, ka naxaysa qoyskiisa, deriskiisa, eheladiisa iyo dalkiisa inay ku tahay waajib saaran inuu u guntado la-dagaaanka khamriga iyo Maandooriyaha halista ku ah diinta, dadnimada,dhaqanka iyo aakhiradeenna. Yaan loo kala hadhin dagaalka Maandooriyaha.
By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login