Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta

Garba Ciise (Aftahannews)- Wararka ka imanaya degmada Garba Ciise ee waddanka Itoobiya, ayaa sheegaya in maanta markale uu halkaas ka soconayo dagaal qadhaadh oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Soomaalidu waxa ay sheeganayaan inay dagaalkan ku gacan sarreeyaan oo qeyb ka mid ah magaalada ay haatan gacantooda ku jirto, hasayeeshee weli wax war ah lagama hayo dhinaca Canfarta, sidoo kalana ma jirto cid madax bannaan oo arrintaas xaqiijin karta.

Dagaalka ka socday Garba Ciise tan iyo Sabtidii, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Wararka, ayaa intaa ku daraya in dagaalkan uu u dhexeeya Xoolo Dhaqatada Soomaalida ah iyo Maleeshiyaad ka soo jeedo deegaanka Canfarta.

Magaalada Garba Ciise, ayaa waxaa ay dhacdaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti.

Shalay ayay ahayd markii Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.