Axmed Madoobe oo soo saaray Liiska Musharaxiinta Kuraas Aqalka Sare

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Kismaayo (Aftahannews)- Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo saaray liiska musharaxiinta qaar ka mid ah kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ee laga soo dooranayo Jubaland.

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Axmed Madoobe, ayaa shaaciyey magacyada sagaal musharax, oo u tartami doonta afar ka mid ah 8 kursi ee Jubaland ay ku leedahay Aqalka Sare iyo sida ay isugu beegan yihiin, waxaana ay kala yihiin:

Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac.

Xalimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

Ilyaas Badal Gaboose, Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaarke Maxamed Cabdi

Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftin Xasan Iimaan.

Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay guddiga doorashada heer gobol ee Jubaland, ayaa lagu sheegay in doorashada Aqalka Sare ee Jubaland ay dhaceyso 29-ka July.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in maanta ay tahay shaacinta musharaxiinta, halka 28-ka bisha oo berri ah ay tahay maalinta qabashada codsiyada iyo diiwaan-gelinta musharaxiinta.