Xisbiga Waddani oo sheegay in Mishiinkii Shaybaadhka ee isbitaalka Ceerigaabo Garoowe la geeyay

Sadiiq Dhame
Sadiiq Dhame

Hargeysa (Aftahannews) – Xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxammed Sadiiq Dhame, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashiinkii baadhista dhiigaga ee uu laha isbitaalka Ceerigaabo la xaday isla markaana loo iib geeyay Garoowe.

Sadiiq Dhame
Sadiiq Dhame

Xoghayaha, ayaa ku andacooday in mashiinka la xaday, isla markaana ay wasaarada caafimaadku qarinayso cida mashiinka xaday ee u iib gaysay magaalada Garowe ee caasimada dowlad-goboleedka Puntiland.

“Isbitaalkii guud ee magaalada Ceerigaabo ee caasimada gobolka Sanaag waxa laga xaday mashiinkii baadhista dhiigaga, ee CPC Complete Blood Count oo qiimo ahaan taagna $20k, oo aha shaybaadhka kaliya ee uu leeyahay isbitaalka magaalada Ceerigaabo” ayuu yidhi.

“Sidaanu xog ku helay waxa loo iib geeyay magaalada Garowe, oo dadkii qaatay ay u iib geeyeen, dad ayaa ku eedaysan oo lagu tuhunsanyahay inkasta oo ilaa hada wasaaradu anay si cad u sheegin oo ay qarinayso, oo aan la sheegi karin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhame, ayaa wasaarada caafimaadka ku eedeeyay in ay ka indha qarsanayso cida ku eedaysan xadida mashiinka .

“Waxa aad iyo aad nasiib daro u ah oo umadan iyo qarankan midna qabanin, in mashiinkii shaybaadhka, ee umada ka dhexeeyay ee isbitaalku lahaa inta la xaday lagu tasarufay isla markaana la iib geeyay, wasaaradii caafimaadkuna ay ka indha qarsanayso” ayuu yidhi.

Xukuumada Somaliland, ayaan ilaa hada ka hadal mashiinka uu xisbiga Waddani sheegay in laga xaday isbitaalka Ceerigaabo isla markaana loo iib geeyay magaalada Garowe ee caasimada dowlad-goboleedka Puntiland.