Midowga Yurub oo Kalabadh Dhimay Lacagihii loogu talagay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda, ayaa kala badh dhimay miisaaniyadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, ka dib markii askarta Kenya ay si qarsoodi ah uga baxeen howlgalka AMISOM.

Guddiga maaliyadda, ayaa Baarlamaanka Kenya u sheegay isniinta shalay in ay Kenya ka heshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM lacag dhan 4.5 bilyan oo lacagta Kenya ah.Kenya waxay markii hore midowga Afrika ka heli jirtay Sh8.5 bilyan.

Go’aankan, ayaa la xidhiidha ka bixitaanka qeyb ka mid ah ciidamadii Kenya ee loo soo diray Soomaaliya si ay ula dagaalaamaan Al-shabaab.

Baarlamanka, ayaa baadhaya sababta Kenya ay lacag yar ugu heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee ku sugan Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay,” sidaasi waxaa sheegay Julius Muia, xoghayaha maaliyadda.

28-da dal ee midowga Yurub (EU), oo ah kuwa ugu badan ee lacagaha ugu deeqa AMISOM iyadoo loo marayo midowga Afrika, ayaa taageereeyay barnaamijyada iyo howlaha Midowga Afrika.

Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa gunooyinka ciidamada AMISOM iyo booliska, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda, iyo kuwo kale.