Xildhibaan KULMIYE uga soo baxay Awdal oo ku Biiray Isbahaysiga Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kulmiye u sharaxay shirgudoonka Wakiillada.

Xildhibaan Maydhane ayaa sheegay in madaxweynuhu uu caddaalad daro kula kacay xildhibaanada gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye, isla markaana uu u sheegay in aanu waxba xildhibaanada gobolka Awdal  ka siinayn shirgudoonka wakiilada.

“Waxaanu ka tagnay caddaalad daradiisa, kadib markii shirgudoonkii beelo kale la siiyay, markaanu marlabaad ku noqonay ee aanu ku nidhi siday ku dhacday, xaqii gobolkaygu mee, umad baan matalaa, gobol baanu kasoo jeednaa, intaaso xubnood baanu nahay, jawaab nalama siin” ayuu yidhi.

“Madaxweyne Somaliland  ayaanu doonaynee haduu madaxweyne Isaaq noqday sidaasaanu kaga tagnay, taasaanu walalahayaga caddaalad doonka ahna ugu biirnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tan iyo markii uu bilaabmay loolanka doorashada shirgudoonka golaha wakiilada ayaa sidookale waxa bilaabmay in xildhibaanada xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku ay kala taageeraan xubnaha shirgudoonka ay u kala sharaxeen xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku.