Ilhaan Cumar oo Su’aalo ka keentay Duqeymihii Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya

Ilhan Omar
Ilhan Omar

Washington (Aftahannews) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareska Maraykanka, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in ficil kasta oo milateri uu qeyb ka noqdo istiraatiijiyad ballaadhan oo diiradda lagu saarayo amniga Soomaaliya.

Ilhan Omar
Ilhan Omar

Xildhibaan Ilhaan, ayaa qoraal dheer oo ay soo saartay waxay ku codsatay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan duqeyntii cirka ee Mareykanku ka fuliyay toddobaadkii hore gudaha Soomaaliya.

“Sida aan u wajahayno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya,” ayay Ilhan Cumar ku sheegtay warqad u qortay Aqalka Cad jimcihii shalay.

Ilhan Cumar waxay sheegtay toddobaadkan in ay aragtay warbixinno ku saabsan qoysaska rayid Soomaaliya oo lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo uu fuliyay Maamulkii Trump, kuwaas oo awoodi waayey inay la xidhiidhaan mas’uuliyiinta Mareykanka ama ay helaan magdhowgii uu Congress-ka u qoondeeyay .

Hadalka Ilhaan Cumar, ayaa ku soo beegmay kadib markii Pentagon-ka uu sheegay in duqeymihii shalay iyo midkii ka horeeyay lala bartilmaameedsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka ee Al-Shabaab.