Dagaal Khasaare Geystay oo Muqdisho ka dhacay

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, ayaa sheegaya in halkaasi israsaaseyn xoogan ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho

Ciidamada, ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana israsaaseyntooda timid kadib markii la sheegay iney ku murmeen lacago Canshuur ah oo laga qaado gaadiidka halkasi laga raro.

Inta la xaqiijiyay sedax ruux oo mid haweeney tahay, ayaa la sheegay iney ku dhinteen dagaalka kooban ee dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira dad kale oo ku dhaawacmay israsaaseynta.

Israsaaseynta dhexmartay ciidamada, ayaa la sheegay inay bilaabantay xili Isgoyska uu ka jiray mashquul aad u xoogan, dadweyne farabadana ay ku sugnayeen Isgoyska.