Wefti ka Socda Ethiopia oo Somaliland lagu Soo dhaweeyey iyo ujeedkooda

Wajaale (Aftahannews):- Wefti ka Socda Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey degmada Tog-Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Weftiga oo isugu jira Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno, ayaa masuuliyiin dowladda Somaliland ka tirsani ku qaabbileen Xuduudka Wajaale, waxaanay ka qaybgalayaan Weftigu Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan dalka Itoobiya ku yahay Martida koowaad oo Sabtida berri ka furmaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Haddaba, Warkaas oo dhammaystiran, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-