30-ka Ciyaartoy Ee Loogu Jecel Yahay Boqortooyada Dalka Ingiriiska Oo La Magacaabay

Ciyaaryahannada guud ahaan isboortiga oo dhan ka kooban ee loogu jecel yahay gudaha waddanka UK ayaa la magacaabay, waxaana kaalinta koowaad kaga jira laacibka da’da yar ee afka hore ee weerarka uga ciyaara Manchester United kaas oo degay quluubta shacabka markii uu sannad ka hor barnaamijka quudinta ka sameeyey dalkaas.

Rashford oo 23 jir ah ayaa ka sokow xirfaddiisa iyo shaqadiisa gudaha garoonka ee Manchester United, waxa uu waqtigii kala xidhanka ee Fayraska Korona go’doonka loo galay uu 20 milyan oo Gini u ururiyey carruurta dugsiyada ee danta ah, kuwaas oo uu ka bixinayay cuntooyinka.

Waxa kale oo uu dhowaan shaaciyey in uu qayb hantidiisa ka mid ah uu ugu deeqayo kaalmaynta carruurtii uu hore uga shaqeeyey quudintooda.

Cilmi-baadhis ay samaysay Bookmakers.tv ayaa waxa lagu ogaaday, in soddonka ciyaartoy ee dhamaan ciyaaraha kala duwan ee isboortiga ah ee hoos ku xusan ay yihiin kuwa loogu jecel yahay UK.

Rashford ayaa waxa ku xiga feedhyahanka Tayson Fury oo kasoo hormaray Harry Kane oo kaalinta saddexaad ku jira, halka uu orodyahanka Soomaaliga ah ee Mo Farah uu afraad fadhiyo, iyadoo uu laacibka Tenniska ee Andy Muray uu shanta kaalmood ee sare dhamaystiray:

Waa kuwan 30ka ciyaartoy ee loogu jecel yahay UK:

  1. Johanna Konta (Tennis)
  2. Fallon Sherrock (Toogashada)
  3. Steph Houghton (Kubadda cagta)
  4. Gerwyn Price (Toogashada)
  5. Lucy Bronze (Kubadda cagta)
  6. Owen Farrell (Rugby Union)
  7. Heather Watson (Tennis)
  8. Justin Rose (Golf)
  9. Katarina Johnson-Thompson (Orodka)
  10. Laura Kenny (Baratanka mootooyinka)
  11. Adam Peaty (Dabbaasha)
  12. Rory McIlroy (Golf)
  13. David Weir (Wheelchair Athletics)
  14. Gareth Bale (Kubadda cagta)
  15. Chris Froome (Baratanka mootooyinka)
  16. Joe Root (Cricket)
  17. Emma Raducanu (Tennis)
  18. Dina Asher-Smith (Orodka)
  19. Andy Robertson (Kubadda cagta)
  20. Alun Wyn Jones (Rugby Union)
  21. Ben Stokes (Cricket)
  22. Ronnie O’Sullivan (Snooker)
  23. Raheem Sterling (Kubadda cagta)
  24. Lewis Hamilton (Formula 1)
  25. Anthony Joshua (Feedhyahan)
  26. Andy Murray (Tennis)
  27. Mo Farah (Orodyahan)
  28. Harry Kane (Kubadda cagta)
  29. Tyson Fury (Feedhka)
  30. Marcus Rashford (Kubadda cagta)
  31. Marcus Rashford (Kubadda cagta)