Madax Ka Tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Xilka laga Qaaday

Muqdisho (Aftahannews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, maxamed Xuseen Rooble wuxuu xilka ka qaaday Madaxa Shaqaalaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Aadan Kulane, iyo Cabdiwahaab Sheekh cali, Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Aadan Cadde.

Arrintaas waxaa sabab looga dhigay in maanta garoonka laga celiyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, oo ku sii socday Magaalada Garbohaarrey ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan soo saaray amar ahaa in qof muwaadin Soomaali ah aanan laga celin karin in uu ka dhoofo garoomada dalka. Balse, Gudoomiyihii hore ee Gedo ayaa markale laga celiyay garoonka Muqdisho.

Gudoomiyihii hore ee Gedo, Macallimuu ayaa yidhi: “Aniga saaka waxaan aadnay garoonka, anigoo dareemayay in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha ka dib waxaan qaatay in aan qofna la celin karin. Markii meeshii aan galnay, waa nala qabsaday waxaana na lagu dhahay meeshaan lama mari karo.”

“Macallimuu iyo kooxda la socoto ma mari karaan, ayaa na lagu yidhi. Waxaan weydiisanay in la caddeeyo cidda na haysata. Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Kulane uu nahaysto”, ayuu yiri, isagoo saxaafadda la hadlay ka dib markii la soo celiyay.