Puntland oo sheegtay in dadka duufaanta ku dhintay gaadhayaan saddex boqol oo qof

Garoowe(Aftahannews):- Maamulka Puntland, ayaa sheegay in laga baqdin qabaa in dadkii ku dhintay duufaantii xoogganayd ee maalmihii lasoo dhahafay ee toddobaadkan ku dhufatay qaar ka mid ah deegaannada Xeebta ku yaalla ee Puntland ay gaadhaan 300 oo qof.

Duufaantii_Puntland_ku_dhufatay

“Waxaa socda howlo loogu gurmayo dadka ku sugan goobihii ay duufaantu ku dhufatay, waxaan laga baqdin qabaa in dadka ku dhintay gaaraan 300-qof, kumannaan xoolo ah ayaana duufaantaas lagu waayay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Dadkii ku dhintay duufaantaas weli si cad looma oga, laakiinse hay’adda FAO ayaa warbxin ay soo saartay maanta ku sheegtay in duufaanta roobabka iyo dabeylaha xooggan wadatay ay ahayd mid aad u xooggan.

“Burbur xooggan ayay duufaantu geysatay, welina goobaha qaarkood waxaa ka da’aya roobab aan badnayn,” ayuu yiri Xuseen Gadayn oo hay’adda FAO ka tirsan.

Sidoo kale, kalluumeysato fara badan oo ka jillaaban jiray badweynta India ayaa maqan, kuwaasoo laga baqdin qabo inay dhibteen, iyadoo duufaantu ay burburisay deegaanno, guryo, dhismayaal iyo doomo, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay FAO.

Punland ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay geysteen duufaantii qaybo ka mid ah deegaannada ay maamulaan ku dhufatay, iyadoo madaxweyne C/raxmaan Faroole uu sheegay inay magacaabeen guddi si dhaqso ah ugu gurmada dadkaas, isagoo baaq u diray hay’adaha samafalka.

Goobaha ay duufaantu burburisay waxaa ka mid ah buundo weyn oo isku xiri jirtay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, taasoo uu dib u dhagax-dhigay dhismaheeda maanta madaxweynaha Puntland.

“Baabuurta gargaarka wada ma gaari karaan goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay, waayo waddooyinkii oo dhan ayaa burburay, taas waa dhibaato sababi karta in dib u dhac uu ku yimaado gargaar deg-deg ah oo lala gaaro,” ayaa lagu yiri warxsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Duufaantan ayaa noqonaysa tii ugu xumayd ee Puntland ku dhufata tan iyo sannadkii 2004 oo ay deegaanno badan oo Somalia ka tirsan ay waxyeello gaarsiiyay dhul-gariirkii loogu magac-daray Tsunami.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.