Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Caydhisay Shaqaalaha Madaxweynihii Ka Horreeyey

Muqdisho(Aftahannews):- Qaar ka tirsan Shaqaalaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayay shaqada ka caydhisay dawladda federaalka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Laba ka mid ah Darawaladda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa shaqada laga eryay kuwaas oo Darawallo u soo ahaan jiray Madaxwaynihii hore ee dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Labada Darawal ee Shaqada laga eryay, ayaa ka mid ah shaqaale ka hawlgeli jiray Madaxtooyada Soomaaliya oo Maalinnimadii khamiistii shaqada laga eryay, kuwaasoo ay dhammaantood isku hayb yihiin Madaxwaynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sida uu sheegay Mukhtaar Abuukar Macallin oo ka mid ah Wax-garadka magaalada Muqdisho illaa toddoba ka mid ah Shaqaalaha ka hawlgala Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, oo ay isku hayb yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa siyaabo kala gedisan looga eryay Shaqada Madaxtooyada.

Mukhtaar Abuukar Macallin, ayaa wuxuu Agaasimaha Madaxtooyada uu ku eedeeyay, in gelinkii dambe ee Khamiistii uu shaqada ka eryay, laba ka mid ah Darawalladii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Immikana Darawallo u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mukhtaar Abuukar Macallin, ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu ka masuul yahay eriga lagula kaay shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu beegsaday shaqsiyaad ay isku hayb yihiin Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sariif Sheekh Axmed.waxaanu intaa ku daray in xataa shaaalahaa la eryay loo diiday waxay xuquuq ku lahaayeed dawladda Soomaliya, isagoo intaa raaciyay inay taasi tahay tallaabo ka baxsan Dawladnimadda, isla markaana taageero siin karta kooxaha argagixisada ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.