Xisbiga Waddani oo ka jawaabay eedo ay u soo jediyeen qaar kamida Musharraxiintii Doorashada

Cabdiqadir Jirde
Cabdiqadir Jirde
Hargeysa (Aftahannews) – Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa beeniyay warka musharixiin Waddani ah oo ku eedeyay in xisbiga Waddani laftiisu xaday codkii ay bulshada ka heleen.
Cabdiqadir Jirde
Cabdiqadir Jirde
Hogaamiyaha ku meel gaadh ka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqadir Jirde, ayaa sheegay in dooda musharixiintu ay tahay mid jaban.

“In ay yidhaahdaan xisbigii nagu soo tabcay ayaa na xaday maaha wax suurogal ah” ayuu yidhi.

Jirde ayaa sheegay in hadii ay codad xadayaan  ay xadi lahayen codka Kulmiye.

“Hadii aanu codad xadayno, waxanu xadilahayn codadka xisbiga naga soo horjeeda ee Kulmiye” ayuu yidhi.

Xuseen Caydiid oo katirsan xisbiga Waddani ayaa isaguna sii xoojiyay hadalka Jirde.

Eedaha musharixiinta ayaa yimid kadib doorashadii isku sidkanayd ee barlamaanka iyo deegaanka oo 3 meeloodow 2 meelood oo musharixiin ahi ay dhaceen.