Cabdillaahi-dirawal oo Sheegay in Xisbiga Kulmiye Cagta Saaray Jidkii uu Saaxadda kaga baxayay

Cabdillaahi-dirawal
Cabdillaahi-dirawal

Hargeysa (Aftahannews) – Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Hal-doorka siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday, taasi oo aqlabiyadda Xildhibaannada ku soo baxay ay heleen xisbiyada Mucaaradka ahi.

Cabdillaahi-dirawal
Cabdillaahi-dirawal

Cabdillaahi-dirawal oo Shalay u warramay Telefiishanka MMTV ayaa sheegay in Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE uu cagta saaray jidkii uu saaxadda kaga bixi lahaa, maadaama buu yidhi uu laba jeer oo hore soo guulaystay, markan saddexaadna ay Xaaladdu ku adag tahay.

Cabdillaahi-dirawal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “UDUB markay laba jeer oo hore soo guulaystay ayaa markii saddexaad naga baydh la yidhi, kuwana laba jeer oo hore ayay soo guulaysteen, bartii Xisbigii UDUB lagu qabtay ayaa lagu qabtay Kulmiye, markaa Kulmiye laba jeer oo hore ayuu soo guulaystay, mar saddexaad way u dhamaatay, waatii uu saaxadda kaga baxayey sidii UDUB, sidaas baan anigu u arkaa.”

Mujaahid Cabdillaahi-dirawal wuxuu sheegay oo kale in Xisbiyada Mucaaradka ay ka soo baxeen Xildhibaannada Mucaaradka, balse aanay Xisbiyada waxba gacmaha ugu jirin, maaddaama oo Xildhibaannadu heleen fursad ay xisbiyada kaga soo baxeen, iyadoo Lacago laga qaaday xilligaasi “Dadka Xisbiyada ka soo baxay, Xisbiyadeenu aragti ay ku kala duwan yihiin malaha, Qofka ka soo baxayna wuxuu ugu tagay aad ka soo baxdid, weliba lacagna waa laga qaaday, markaa Dadkan ay Mucaaradku soo saareen ama ay soo saareen Muxaafidku dad wax wada aaminsan maaha, waxa laga yaabaa inaanu Xisbigaba jeclayn, markaa haddaanu jirin Fikir mideeya, wax lagaga talo-galaa ma jiro” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiyada Mucaaradku waxay leeyihiin uun Rag badan baa noo soo baxaye, laakiin Rag ay gacanta ku hayaan maaha Raggani (Xildhibaannada), markaa hadduu Laaluushku shaqeeyana Dawladdaa guulaysanaysa, hadduu Caqligu shaqeeyana Mucaaradkaa guulaysanaya..”

Mujaahidku wuxuu soo jeediyey in la furo Ururrada siyaasadda “Waa in la furo Ururrrada siyaasadda,  Iminka UCID oo kale 20 sano ayay in hortaagnayd oo Faysal leeyahay guddoomiyaan ahay oo doorashadii kasta leeyahay waan galayaa, ma waxaasaa sharci ah? Sharci maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sharcigu waxa weeyaan oo dumuqraadiyaddu ku jirtaa inuu qofku laba jeer wax ka badanba jagada hayo maaha”.