Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Digniin u diray Hay’addo la magacaabay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi

Muqdisho (Aftahannews)- Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta soo saaray war saxaafadeed, ku saabsan digniinta ku dhaqanka shuruuc, iyo dhismaha hay’addo sharci darro ah oo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi

War saxaafadeedka ayuu goluhu ku sheegay inay si dhaw ula socdaan, islamarkaana u diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hay’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaa soo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare wuxuu ku war galinayaa digniintan dhammaan hay’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hay’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hay’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa wali u sii jira hay’ad ahaan, balse muddo xileedkiisu wuxuu dhamaadey 27-kii December, 2020-kii.