Jabuuti War ka soo saartay Go’aanka Dowladda Soomaaliya dib ugu soo celisay Xidhiidhka Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf

Djibouti (Aftahannews)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, Mudane  Maxamuud Cali Yuusuf oo soo saaray war qoraal ah, ayaa ka hadlay go’aanka ka soo baxay dowladda federaalka ee ku aadan dib u soo nooleynta xidhiidhka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf

Wasiirka, ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo xidhiidhka ay la laheyd Kenya, isaga oo ku tilmaamay horumar weyn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonoda gobolka oo dhan.

“Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Kenya. Runtii waa horumar weyn oo ka jirta gobolkeenna IGAD nabad iyo xasillooni darteed” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa warqad u dirtay Kenya, taas oo ay ku shaacisay inay dooneyso dib u soo nooleynta xidhiidhka labada dal, si dib loogu furo safaaradaha labada dowladood.

Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xidhiidhkooda xumaa muddooyinkii la soo dhaafay, waxaana Kenya ay joojisay duulimaayada inkastoo ay markale dib u furtay, halka Soomaaliya ay iyana hore u joojisay qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga soo daabuli jiray dalka Kenya.

Arrimahan, ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo saaka ay si rasmi ah u billowdeen duulimaadyada diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii la qaaday xayiradii saarneyd.

Si kastaba labada dowladood, ayaa haatan muujinayo isku dhowaasho dhinaca dibulmaasiysadda ah iyo fur-furnaan, si meesha looga saaro khilaafka labada dal.