Soltelco oo Maayirnimadii uga Tanaasulay Cabdikariim Axmed Mooge

Maayar Solteco
Maayar Solteco

Hargeysa (Aftahannews)- Maayarkii muddada xil hayntiisu dhamaatay ee Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid Solteco, ayaa galabta shaaciyey inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray Maayarnimada Caasimadda Hargaysa.

Maayar Solteco
Maayar Solteco

Cabdiraxmaan Solteco, ayaa sheegay in Tanaasulkiisu ka danbeeyay go’aan kaga yimid Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isagoo u hambalyeeyay Xildhibaan C/kariin Axmed Mooge oo u sharaxan Jagada Maayarnimada Caasimadda hargaysa Waxaanu ka dalbaday Mudanayaasha golaha deegaanka Caasimadu in marka uu furmo Kalfadhigooda kowaad ay u doortaan Xilka Maayarnimada Caasimadda Hargaysa Xildhibaan C/kariin Axmed Mooge.

Maayarkii xil hayntiisu dhamaatay Waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “Tallo-soo-jeedintii Madaxweynaha markaan ku qancay, waxa aan u tanaasulay Saaxiibkay C.kariin Axmed Mooge waanan u hambalyaynaya inuu noqdo Mayor-ka Caasimadda, Taageerayaashayda way ku adag tahay, muddo ayay soo xarbinayeen laakiin Kursigu laba uma qaybsamo, qof uun aya ku fadhiista, haddii aan la isku hanayna waxay noqotaa fool xumo si aanay taasi u dhicin waxa aan ku qanacsan nahay in Walaalkay C.kariin oo muddo 30 sanno ku dhow aanu Saaxiib ahayn inaan u tanaasulo, C/kariim colaadi naga dhaxaysayna ma jirto, waan tartanka kursiga oo keliya waxa naga dhexeeyay.

Waa shakhsiyad aad u wanaagsan C/kariin oo hanan kara masuuliyada kursigaasi, Waxa uu wax ku noqon karaa filashada badan iyo balan-qaadka  uu sameeyay shacbigu inuu si fiican Cashuurta u bixiyo, Taageerayaashayduna sida ku qancaan, 17 ka  xubnoodna ee Golaha Deegaanku 17 bishan June 2021 marka uu fadhiga u horeeyaa inoo furmo waa inaan sidaasi ugu cimaamadno C/kariim Axmed Mooge”.

Maayarka Mudada xil-hayntiisu dhamaatay ee Caasimadda hargaysa kana mid ah 17-ka Xildhibaan ee gollaha cusub ee deegaanka caasimadda hargaysa C/raxmaan Maxamud Caydiid Waxaa kale oo uu sheegay in aanu ka baxayn golaha deegaanka Hargaysa oo uu noqonayo Odaygii golaha deegaanka Waxaa kale oo uu meesha ka saaray warar sheegaya inuu ka baxayo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye waxaanu cadeeyay inuu Xisbigiisa u sii shaqaynayo.

Loolanka Maayarnimada caasimadda hargaysa ayaa hada u muuqanaysa mid aan lagula tartami doonin Xildhibaan C.kariin Axmed Mooge oo ah Mudanihii ugu codka badnaa ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada isagoo helay Cod ka badan 26 kun oo cod.