Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga Waddani Ka Soo Baxay Kuma ayey Guddoomiye u Magacaabeen?

Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Golaha Wakiillada
Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Golaha Wakiillada

Hargeysa (Aftahannews) – Hoggaanka xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxaa ay maanta kulan wadatashi ah la qaateen Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Xisbiga WADDANI ka soo baxay.

Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Golaha Wakiillada
Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Golaha Wakiillada

Kulanka oo ka qabsoomay Huteel Ambsador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin oo ay ka mid yihiin mudaneyaasha xilka wareejinaya.

Hoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa Xildhibaanada ugu soo baxay golaha Wakiillada siiyay xog warran iyo talooyin ku aaddan waayo aragnimadooda shaqada golaha Wakiillada.

Waxaanay hoggaanka xisbigu kula dardaarmay Xildhibaanadan sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxyaabaha bulshada Somaliland ka filayso ee ay Qaranka ugu igman yihiin iyo sidii ay ugu adkaan lahaayeen siyaasadda Xisbiga WADDANI ee ay ka soo baxeen, islamarkaana xoogga u saari lahaayeen sidii Isbahaysiga Mucaaradku ugu guulaysan lahaa shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaanada, ayaa waxaa ay dhankooda ka hadleen qorshahooda iyo sida ay uga go’an tahay taabbo-gelinta masuuliyadda loo igmaday.